Sh/Dhexe-RisaalaFM- Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa shalay gelinkii dambe degaanka Miirtaqwo ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uu ku dilay Haweeney, midka kalena uu ku dhawaacay, kadib markii uu isku dayay inuu kala celiyo, maadaama ay dirirayeen.
Askariga oo qorigiisa uusan xakameysneyn sidoo kalena Haweenkii dagaalamayay markii dambe caro darteed isaga qudhiisa ay soo weerareen ayaa waxa ay sababtay inta uu is lahaa ka baxso waxaa ka fakatay Rasaas, taasi oo waxyeeleysay Haweenka.
Gabadha dhaawaca uu soo gaaray ayaa isla shalay waxaa loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Muqdisho, si xaaladeeda caafimaad daro wax looga qabto, sida ay sheegeen Ehelada Gabadha.
Dhanka kale Gudoomiyaha degaanka Miirtaqwo ee horay loogu yaqaanay Miirtuugo Mahdi Cali Cariif ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku soo qabteen Askarigaas islamarkaana Cadaalada la horgeyn doono.
Taliyaha Aagaasi ayaa dhankiisa sheegay in falkan uu ahaa mid aan la fileyn, mar walbana aysan diyaar u aheyn in la dhibaateeyo shacabka ay u shaqeeyaan oo ay masuulka ka yihiin.


