Nuur Madoobe oo ka tirsan Ciidanka dowlada ayaa maanta lagu fuliye xukun dil ah oo hore loogu xukumay.
Ninkan oo ah askari ka tirsan Ciidamada Dowlada ee jooga magaalada Baladxaawo ayaa hore dil iyo Kufsi ugu geystay gabar kamid ah shacabka Buulaxaawo.
Aabaha dhalay gabadha uu kufsaday askariga, kadibna uu dilay ayaa gacantiisa ku toogtay ninkii dilay gabadhiisa ismahaan Bakaal.
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa kasoo qeyb galay goobta ay ka dhaceysa toogashada.



