Arsenal oo markale garaacday Liverpool

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay gool aad u qurux badan oo uu weheliyo kii guusha ee rigoorada iyadoo Arsenal ay garaacday Liverpool si ay kor ugu qaado Community Shield ka dib markii ay ciyaartii Wembley ku dhamaatay waqtiga caadiga ah barbaro 1-1.

Kaliya 37 maalmood ka dib markii ay kor u qaadeen koobka Premier League, Reds ayaa si fiican ku bilaabatay iyadoo Virgil van Dijk uu dhaliyay gool la diiday kaasoo ahaa off-side iyo halka James Milner uu lumiyay madax uu ka helay meel u dhow goolka Arsenal.

Aubameyang, oo aan weli heshiis cusub u saxiixin kooxdiisa, ayaa si qurux badan ugu dhameystiray diilinta ganaaxa goolkiisii shanaad ee Wembley xagaagan.

Gunners ayaa culeyska ka dul qaaday kooxda Jurgen Klopp markii ay lumiyeen fursado ay hogaankooda ku dheereysan kareen iyadoo Eddie Nketiah uu fursad halis aheyd ka badbaadiyay Alisson ka dib karoos uu soo dhigay Bukayo Saka.

Mikel Arteta, oo ka reebay safkiisa Mesut Ozil iyo Matteo Guendouzi, ayaa arkay kooxdiisa oo isku dayaysa inay xirto difaac qeybtii labaad.

Kooxda ku guuleysatay Koobka FA Cupka si adag ayey u difaacaneysay goosha ilaa daqiiqaddii 73aad markaasoo uu gool ka dhaliyay ninka bedelka ku yimid ee Takumi Minamino.

Arsenal ayaa ku qasabtay goolhaye Emiliano Martínez inuu sameeyay badbaadin muhiim ah xilli dambe isagoo hor istaagay darbo Sadio Mane ka timid.

Labada dhinac midkoodna ma helin gool ah waxayna isla gaartay ciyarta rigoore.

Gunners ayaa ku badisay 5-4 rigoorayaal ah ka dib markii ay gool u bedeshay dhamaan shanta rigoore oo ay tuurtrrn halka Rhian Brewster uu qasaariyay hal rigoore dhanka Liverpool, taasoo ka dhigtay inuu Aubameyang dhaliyo rigoorada guusha.

Arsenal ayaa ku socota hatan wadada saxda ah laakiin waxay u baahan tahay Aubameyang inuu saxiixo heshiis cusub.

Weeraryahankii hore ee Borussia Dortmund ayaa dhaliyay gool xusuus leh oo ku kordhay rikoorkisia goolasha Wembley, wuxuuna lahaa go’aanka ugu dambeeya ee ciyaarta.

Laakiin kama uusan hadlin mustaqbalkiisa wareysigii ciyaarta ka dib taasoo walaac ku noqon doonta jamaahiirta Arsenal iyadoo in ka badan hal bil uu ka harsan yahay xiritaanka suuqa kala iibsiga.

Ainsley Maitland-Niles ayaa 90-ka daqiiqo ee ciyaarta sameyay adkeysi badan wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa taasoo keentay in loo dorto xiddigii ugu ficna garoonka.

Aubameyang shantii gool ee uu ka dhaliyay Wembley xagaagan waxaay yimaadeen 42 maalmood gudahood.

Takumi Minamino ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee goolkiisii ugu horeeya abid u dhaliya Reds isagoo ku sugan garoonka Wembley.

Liverpool kuma aysan guuleysan Community Shield tan iyo markii ay 2-1 ku garaaceen Chelsea 2006.

Arsenal ayaa ku guuleysatay Community Shield markii 16aad waday ka danbeeyaan Manchester United oo 21 qaaday. Gunners ayaa ku guuleysatay koobkaan afar ka mid ah toddobadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.