Xiddiga Bayern Munich Arjen Robben ayaa sheegay in Anfield uu yahay “garoonkii ugu xumaa taaraiikhda uu ku arko kubadda cagta” ka hor kulanka Champions League ay ku wajahayaan Liverpool.
Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern ayaa u safri doonta Liverpool lugta hore ee wareega 16ka UCL talaadada.
Robben – oo ka tagaya Bayern dhamaadka xilli ciyaareedkan – ayaa xusuusiyay asxaabtiisa Munich dhibaaatada taala garoonka Anfield markii uu booqday xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Chelsea.
Chelsea ayaa 1-0 kaga badisay kooxda Liverpool markii ay ku guuleysanayeen horyaaalka xili ciyaareedkii 2004-05.
Sidookale semi-finalka Champions League, Robben iyo saaxiibadiisa ayaa rigoorayaal ku garaacay Reds xili ciyaareedkii 2006-07.
“Waxaan qabaa, hadii aad I weydiiso garoonkii ugu xumaa, aniga ahaan wa kan Liverpool,” 35 jirkaan garabka ka ciyaara ayaa u sheegay The Guardian.


