Alexis Sanchez ayaa sheegay in tababarihii hore ee Manchester United Jose Mourinho uu abuuray jawi caafimaad oo aan fiicneyn waqtigii uu kusugnaa Old Trafford.
Mourinho ayaa la ceyriyay bishii December, waxaana bedelay Ole Gunnar Solskjaer, iyadoo ay jireen warar sheegaya in qalalaaso uu ka abuuray qolka labiska United.
Sanchez ayaa kasoo waregay kooxda ka dhisan Premier League ee Arsenal bishii Janaayo ee sannadkii hore, si kastaba ha ahaatee, 30 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa diiday inuu ka tago kooxdiisa ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Ciyaaryahanka reer Chile Sanchez – ayaa dhaliyay kaliya shan gool tartamada oo dhan tan iyo markii uu yimid Manchester – wuxuu sheegay inuu kalsooni ku qabay markasta tababare Mourinho.
“Mourinho waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka, sida uu tababaraha u yahay markaan eeegno, sida uu u baranayo qof kasta waa muhiim,” Sanchez ayaa u sheegay BBC.



