Amnesty oo ka walaacsan siyaasadaha qaxootiga

Hay’adda u doodda xuquuqul insaanka ee Amnesty International, ayaa ku dhaliishay dowladaha caalamka in ay sababo siyaasadeed uga faa’iideysanayaan dadka qaxootiga ah, halkii ay ka xalin lahaayeen waxyaabaha dhaliyay in dadkaasi ay soo barakacaan.

Waxbixin sanadeedka hay’adaasi ay uga hadasho xuquuqda aadanaha ee caalamka, ayaa waxa ay ka digtay siyaasadaha madaxweyne Trump, kuwaasoo ay ku sheegtay in ay cabsi iyo kala shaki abuurayaan.

Amnesty ayaa sidoo kale sheegtay in dowlado badan ay ku xadgubeen shuruucda caalamiga ah, ayagoo qaxooti dib ugu celiyay dalal ay khatari ka jirto

Ayadoo arrimaha qaxootiga iyo muhaajiriinta ay si weyn u saameeyeen ololaha siyaasadda ee dalal badan, ayaa Amnesty International waxa ay sheegeysaa in laga weecday arrimaha saldhiga u ah xuquuqda aadanaha.

Kate Allen, oo ah agaasimaha Amnesty UK, ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaamtay hadalada adag ee ay siyaasiyiinta caalamka u adeegsanayaan qaxootiga.

Waxa ay sheegtay in Midowga Yurub uu qaxootiga ula dhaqmay sida wax lagu gorgortamo, halka dalal uu Maraykanka ka mid yahayna ay doonayaan in ay muhaajiriinta u mamnuucaan sababo la xiriira diinta ay haystaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Maraykanka iyo UK ay gabeen dowrkoodii ahaa qaabilaada dadkaasi, ayadoo xiisadda qaxootiga xilligan tahay tii ugu xumeyd tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.

Amnesty ayaa ku dhaliishay dowladda Britain go’aankii ay dhawaan ku joojisay qaabilaada carruurta aanu waalidkood la socon ee qaxootiga ku ah gudaha Yurub.

Dowladda ayaa dhankeeda ku doodeysa in ay soo dhaweysa carruurta u baahan gacan qabashada.