War ka soo baxay AMISOM ayaa lagu shaaciyey magacyada Lix ka mid ah Saraakiishada Ururka Al-shabaab oo ay ku dileen Gobolka Shabeellaha hoose.
Warkan qoraalka ayaa lagu sheegay in Howlgalka ay wadajir u fuliyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga afrika ee AMISOM oo iskaashanaya.
Magacyada ay AMISOM Shaacisay ayaa waxaa kamid ahaa Cabdi Rashiid Bugdube, oo lagu sheegay Taliyihii AL-shabaab ee Jannaale,Aadan Baalle oo ahaa Taliyihii Al-shabaab ee Leego,Sh. Max’ed Cali oo taliye ku xigeen ka ahaa Jannaale, Max’ed Abriyoow oo ay ku sheegeen Guddoomiyaha Maxkamadda Al-shabaab ee Jannaale,Xasan Cali dhoore,Madixii Amniyaadka Al-shabaab ee Shabeellaha hoose,Abu Islaam oo khabiir ku ah sameynta walxaha qarxa una dhashay Yemen iyo Sheekh Mansuur oo ahaa madaxa tababarrada ee Al-shabaab una dhashay Dalka Kenya.


