AMISOM oo Hambalyo u dirtay Umada Soomaaliyeed

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya adna gudoomiyaha AMISOM ayaa hambalyo ku aadan maalinta Ciida u diray Dhammaan umada Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in maalintaan ay tahay mid fadli badan , islamarkaana umada Muslimiinta ah looga baahan yahay in ay si farxadle ku ciidaan.

” Waxaan dareenka la qeybsanaynaa dhammaan umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan , waxaana u diraya hambalyada , waa maalin qaali ku ah umadda  Muslimiinta ah loogana baahan yahay in ay muujiyaan farxadooda” ayuu yiri Francisco Caetano Madeira