Alvaro Morata Oo Bisha January Isaga Dhaqaaqaya Chelsea

Alvaro Morata ayaa diyaar u ah in uu isaga dhaqaaqo Chelsea marka lagaaro bisha January, xilligaas oo dib loo furi doono suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Weeraryahanka reer Spain ayaan gool dhalin tan 4-tii bishii November ee ina dhaaftay, isaga oo aan kamid ahayn safkii Blues ee kala diray Manchester City.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya England Morata ayaan kamid ahayn qorsha waqtiga fog ee tababare Maurizio Sarri, iyada oobay AC Milan tahay kooxda daaha gadaashisa kala socoto xaaladda weeraryahankan.

Rossoneri ayaa hakisay qorshihii ay kusoo qaadanaysay Zlatan Ibrahimovic, kooxda San Siro ayaana Chelsea waydiisan doonta in ay amaah kusiiso Alvaro Morata.

Weeraryahankii hore ee Juventus iyo Real Madrid ayaana si aad ah usoo dhawayn doona dalabkan maadaama uu aad u danaynayo in uu dib ugu laabto halka ay ku dhalatay ama ay kasoo jeeddo xaaskiisa.

AC Milan oo waqti dheer baadi goobaysay weeraryahan tayo leh aya si aad uga faaidi doonta haddii ay gacanto ku dhigto Morata.