Alshabaab oo Weerar ka geysatay Magaalada Muqdisho

Alshabaaab ayaa weerar bilowday madaafiic kuwa garbaha laga tuuro ku qaaday bar koontarool ay ciidamada ammaanka kaga sugnaayeen degmada Kaxda , waxaana halkaasi dagaal uu ku Dhexmaray Ciidamada Dawlaada iyo Cubnihii Weerar soo qaadat ee Alshabaab.

Alshabaab ayaaa barta koontarool ee  ay Weerarka ku soo qaadeen Waxaa  loo yaqaanaa Buurta Cali Jannaale Waxaana halkaas ka dhacay Dagaal laysu Adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala Duwan.

Illaa hadda lamaha Oga  khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, in kastoo saraakiisha Ciidanka ku sugan Barta la weerayay ay sheegeen in ay iska Caabiyeen Kooxda Weerarka soo qaaday ee Alshabaab .

Al Shabaab  ayaa Dhowr Jeer Weerar ka geysatay Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka oo ay beesatay Fariisimaha Ciidanka Dawlada iyo kuwa ATMIS ay ku leeyiin .