Ka dib markii isbuucaan kulamo xiiso badan ay ka dhaceen garoomada Premier League, waxaa soo baxay natiijooyin lama filaan ah oo ay kooxaha qaar la kulmeen.
Horyaalka ayaa waxaa hogaamineysa kooxda Chelsea oo garaacday sabtidii Manchester City.
Haddaba Shabakada Goal.com ayaa soo saartay shaxdii ugu fiicneyd todobaadkaan kulamadii laga ciyaaray Horyaalka Premier League.
Lee Grant oo goolka uqabta kooxda Stoke City kaasoo afar badbaado ka sameeyya kulankii Burnley ayaa loosoo xushay goolhayihii ugu fiicnaa todobaadkaa Horyaalka.


