Al-Shabaab oo sheegtay inay qarax ku dileen Askar ka tirsan AMISOM

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti ee kamid ah AMISOM waxaa lagula eegtay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab ayaa waxaa uu qabsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Jabuuti, xilli uu marayay mid kamid ah waddooyinka degmada Jalalaqai.

War kasoo baxay Ururka Al-Shabaab oo lagu daabacay Baraha Internetka ee taageera ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dileen 5 kamid ah askarta Jabuuti lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxa balse aysan sirasmi ah u xaqiijin karin karin qasaaraha kasoo gaaray Ciidamada Jabuuti.

Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee degmada Jalalaqsi iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaas, waxaana degan xaaladda degmada iyo degaannada hoostaga.