Al-Shabaab oo labo nin ku toogtay goob fagaaro ah

Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degaanka buqa-qable ee gobolka Hiiraan  ku toogtay 2 nin ay ku eedeeyeen  ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxkamad ay Al-Shabaab ay leeyihiin ayaa labadaasi nin ku Fulisay xukunka  dilka ah sida ay Risaala u sheegen goobjoogayaal ku sugan gobolka Hiiraan.

labada nin ee  la toogtay ayaa kala ahaa Axmed Yuusuf Xasan oo da’diisu tahay 26 Sano Jir iyo iyo Axmed Nuur Cabdi Cosoble oo da’diisu tahay 20 Sano Jir.

Goobta ay ka dhaceysay Toogashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa boqolaal qof oo ay Al-Shabaab ku wargeliyeen in ay usoo daawasho tagaan toogashada labadaasi nin oo ay Al-Shabaab sheegeen in ay la shaqeynaayay ciidamada dowladda Soomaaliya.