Wararka laga helayo Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay saakay la wareegeen deegaano katirsan Gobolkaas.
Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen degaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee gobolka Sanaag,halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaad dadka deegaanka ah.
Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee la wareegay degaanka Gacan-Maroodi ayaa waxaa la sheegay inay ka soo degeen buuraleyda Calmadow ee gobolkaasi Sanaag,isla markaana ay galeen Gudaha Magaalada.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xubnaha katirsan Al-Shabaab ay sidoo kale u dhawaadeen degmada Yubbe ee isla gobolka Sanaag,isla markaana dadka deegaanka ay cabsi soo wajahday,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan Soomaaliland.
Degmada Yubbe oo qiyaastii 50 km dhanka bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa tuulooyinka hoostaga horay ugu dagaalamay Ciidamo ka kala tirsan soomaliland iyo Puntland,kuwaas oo mid kasta uu doonayay in uu la wareego deegaanadaas.



