Al-Shabaab oo burburiyay Xarun Shirkad Isgaarsiineyd

Xubno ka tirsan dagaalamayaasha  Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay Aaga degaanka Sarmaan Magaalada Mandheera  ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wargeyska The Star oo soo xiganayay Sarkaal Ciidan ayaa qoray in ku dhawaad 50 dagaalame ay weerareen Xarunta ayna burburiyeen Anteenada Shirkadda Safaricom, isla markaana ay goobta ka baxsadeen ka hor inta aysan imaan Ciidmada Ammaanka.

Guddoomiyaha Magalada Mandheere Cali Ibraahim Roba ayaa qoraal uu kusoo qoray Bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in degaanka uu weerarka ka dhacay uu 20km u jiro Xaduudka Soomaaliya, isla markaana dableyda hubeysneyd ay burburiyeen Xarun Shirkad Isgaarsiineyd, balse Ciidamada amniga ay yihiin kuwo feejigan.

Majirin khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkaas, waxaana uu noqonaya weerarkii 12aad tan iyo bilaawgii Sanadkaan ay Al-Shabaab ka fuliyaan degaano hoostaga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana weeraradii ugu dambeeyay ku dhintay Saddex Ruux halka Saddex kale la afduubtay.

Al-Shabaab ayaa horay u beegsaday Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom oo laga leeyahay dalka Kenya oo ku yaal Gobolka Waqooyi Bari halka Ciidamada Kenya dhankooda ay dhowr jeer burburiyeen Xarumo Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Somtel ku leeyihiin Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.