AKHRISO: Puntland oo sheegtay in la dili doono Cidii taageerta Somaliland

Kulan wareed ay goordhow ku qabteen Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland  Guddiga Difaaca Puntland waxa ay sheegeen  inay ka go’antahay xoraynta gobolka Sool iyo degaanada kale ee ka Maqan Puntland.

Puntland waxa ay sheegtay in ay tilaabo adag in ay qaadi doonto Ganacsatadda Puntland hadii ay ganacsi la sameeyaan maamulka Somaliland.

Wasiirka Amniga Puntland, Axmed Cabdullaahi Yusuf (Dowlad) oo akhrinayay 11 qodob ay soo saareen guddiga, ayaa waxaa kamid ahaa in Puntland ay dil ku fulin doonto cid kasta oo jaajuus u ah ama taageerta Somaliland.

Sidoo kale waxaa Guddiga dambi qaran ku tilmaamay cid kasta kasoo horjeeda tallaabada Puntland ay ku xoraynayso dhulka ka maqan.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Amniga Puntland in Puntland aysan cadow ku ahayn shacabka ku nool gobollada Waqooyi ee Somaliland.