DHAGEYSO: Khilaaf ka dhex taagan Madaxda Galmudug

Khilaaf cusub ayaa markale soo gala dhexgalay Madaxda maamulka Galmudug sidda ay shaaciyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Khilaafkaan ayaa ka dhashay isku darkii Baarlamaanka maamulka Galmudug iyo sidoo kale Baarlamaankii maamulka Ahlusunna, waxaana uu Khilaafku u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug,kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha baarlamaanka.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay kasoo horjeeddaan qaabkii loo maray hanaanka Isku daridda Galmudug iyo Ahlusunna, waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha Galmudug dastuurkii uu badalay.

Maxamed Xaashi Cabdi Caray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo xalay tiro xildhibaano ah kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in ay waddaan dadaallo lagu soo Afjaraayo Khilaafka taagan.

Waxaa uu sheegay in dadka Galmudug ay heystaan dhibaatooyin kala duwan,islamarkaana loo baahan yahay in la yareeyo Khilaafka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa wali ka hadlin Khilaafkaan, waxaana xusid mudan in baarlamaanka Galmudug uu shaqaddiisa waddo,islamarkaana dhawaan uu ansixiyay Dastuurka cusub ee Galmudug, kaasoo Madaxeyne Xaaf siinaya Awood ah in uu Galmudug sii hoggaamiyo Afar sano oo cusub.