AKhriso: Magacyada xildhibaanada Maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta  maamulka Hirshabeelle ka soconaya qaybihii dambe ee Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Mudanayaashii ku guuleystay in ay maamulka Hirshabeelle u matalaan Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya 2016/2020-ka ee Maanta soo baxay  ayaa waxaa ka mid ahaa.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)  oo ku guuleysatay  48 cod.

C/salaan Sheekh Xasan Barsane oo ku guuleystay   29 cod.

Cabdulaahi maxamed Nuur oo helay 28 cod.

Cusmaan Maxamed Cabdi oo loo yaqaano Cusmaan Daalo, oo helay 50 cod.