Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka degaanka Daniga Baalow oo ku yaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah.
Qaraxa ayaa waxaa uu qabsaday mooto nooca Khudaarta lagu qaado ee Saddexda lug leh, taas oo ka baxday degmada Balcad kuna sii jeeday Tuulada Garasweyne, waxaana ku dhintay Shan Ruux oo Shacab ahaa, kuwaas oo Magacyadooda lagu kala sheegay.
1: Hodan Xasan
2: Cabdi xukun
3: Taliye Nuur
4: Maxamad rooble
5: Sahra gacamey.
Meydadka dadka ku dhintay qaraxaas ayaa waxaa Goobta tegay oo ka qaaday Ehelladooda, iyaga oo geeyay degmada Balcad si loogu Aaso.
Qaraxa Miino ee khasaaraha geystay kana dhacay Tuulada Daniga Baalow oo u dhow degmada Balcad ayaa kusoo aadaya xilli Maanta halkaasi ay howlgallo ka sameeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.



