Akhriso: Liiska Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland ee la shaaciyay

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka iyo ansixinta Xildhibaannada Puntland ayaa ku dhawaaqay liiska xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo noqonaya Baarlamaankii lixaad oo uu yeesho Maamulka Puntland.

Liiska cusub waxaa lagu daray 17-xildhibaan oo reer SSC-Khaatumo , iyada oo la diiday go’aankii ay isimada maamulkaasi ku diideen ka qeybgalka Doorasho Puntland ka dhacda.

Dhinaca kale Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadka yahay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Baarlamaanka Puntland  ee Magaalada Garoowe gaadiid ciidan oo horleh dul dhigay si loo dhaariyo Maanta xubnaha Baarlamaanka cusub.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland.