Diyaarad duqeyneysa deegaan ka tirsan Gobolka Mudug

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaanka Maamiye oo u dhaxeeya Camaara iyo Caad ee degmada Xarardheere gobolka Mudug ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay halkaasi duqeyn ka wado.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in duqeynta ay diyaarada deegaankaasi ka bilaawday orax dhacii galabta ayna Shan Gantaal ku riday saldhig dagaalyahanada Shabaab ay deegaankaasi ku leeyihiin.

Waxaa duqeynmahaani ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro walloow weli aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloowday, maadama ay weli deegaankaasi duqeynta ka socoto.

Dhawaanahaan waxaa soo kordhaayay duqeymaha diyaaradaha ay ka geystaan deegaanada ay gacanta ku haayaan Shabaab iyadoo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in duqeyn lagu burburiyay Idaacad afka shabaab ku hadli jirtey.