AKHRISO: Dib u dhac Markale ku yimid doorashadda KGS iyo Jahwareer ka taagan

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa markale ku dhawaaqay in dib u dhac uu ku yimid doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed oo lagu waday in ay dhacdo 28-da Bishaan.

Kulan Maanta ka dhacay Magalada Baydhabo ayay  Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ku shaaciyeen Jadwal kale oo ka duwan midkii ay soo saareen Maalin ka hor.

Guddiga ayaa Iclaamiyay in  5 Bisha December la  qorsheeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.