Ahlusunna oo sheegtay in dowladda afduubatey doorashada Galmudug

Hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ee ku biirey Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka ay afduubatey howlaha doorashooyinka ee ka socda Dhuusamareeb,isla markaana ay baal martey hehsiiskii ay la galeen.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa lagu sheegay in howlaha doorashooyinka ee ka socda dadka Reer Galmuudg laag dhigey marti,sidoo kalena Dowladda ay ku xadgudubtey Dastuurka dalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Mustaqbalka dadka Reer Galmuudg uu Mugdi galay oo aan wax wada tashi ah lagala yeelan dhismaha Galmudug ee kaatan socota,waxaana ay sheegeen in Ahulsunna ay dhisi doonto Maamul Cusub ee Galmudug oo ka madax banaan kan ay dhiseyso dowladda Federaalka.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Maxamed Sheekir Cali Xasan.