Ahlusunna oo Qarka u saaran ka bixitaanka Heshiiskii ay la gaareen RW Kheyre

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in ururka Ahlusunna ay qarka u saaran yihiin in ay ka baxaan Heshiiskii dhawaan ay la gaareen Dowladda Soomaaliya.

Kulamo kala duwan ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in Mas’uuliyiinta Ahlusunna ay sheegeen in ay cabasho ka yihiin Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ha reer maran qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay.

Mid ka mid ah Wasiiradda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ku sugan ayaa xaqiijiyay in Ahlusunna ay ka carootay taliyeyaal Ciidan oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay u Magacowday Qeybta 21-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ayaa shaki geliyay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isagoo su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug.

Warqad loo diray Xafiisyadda Madaxweynaha , Ra’iisul Wasaaraha iyo Qaramada Midoobey ayaa muujisay tabashadda ay qabaan Ahlusunna waxaana ay sheegeen hadii laga jawaabi waayo Cabashooda ay qaadi doonaan tilaabo.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Saraakiishii Ahlusuna ee lagu heshiiyay in la siiyo darajooyin oo aan weli la sharciyeyn, taasna ay niyad jab ku tahay ciidanka.

Sidoo kale waxaa looga dalbaday Ra’iisul Wasaaraha in bulshada qeybaheeda kala duwan ay ka sugayaan balan-qaadyadii uu u sameeyay, booqashadii uu ku tagay deegaanada Galmudug.