Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa gaaray dalka Cumaan, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Safaaradda.
Koofi ayaa dalkaasi, waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Cumaan, waxaan uu sidoo kale booqday xafiiska bixinta Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga.
Waxaa uu la kula kulmay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Cumaan Wardheere, waxaana ay ka wada hadleen howlaha Hay’adda ka heyso safaaradda iyo dhowrista sharciga qaadashada Baasaboorka.



