Afhayeenka Wasaarada Gaashandhiga Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed ayaa waxaa uu faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Waxaa uu sheegay in howlgalka lagu dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ah oo isku aruursanayay deegaano hoostaga degmada Xarardheere.
Afhayeenka ayaa sheegay in 3 hoggaamiye iyo ilaa 10 dagaalame lagu dilay howlgal ka dhacay duleedka Xarardheere ee gobolka Mudug.
Xubnaha la dilay ayuu magacyadooda ku sheegay Abuukar Jiis Madaxa Miinooyinka, Cabdullaahi Saciid Bulxiye Madaxa Sakawaad ee kooxda Al-shabaab iyo Maxamed Cali Gaabow Guddoomiyihii deegaanka Jowle.
Afhayeenka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in weli howlgalo culus ay ka socdaan deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Mudug, kaasi oo la doonayo Al-shabaab looga saaro meelaha ay ku sugan yihiin.
Todobaadkan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalo kala duwan oo ay ka fuliyeen ciidamada xoogga dalka ay KU DILEEN ku maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab.