Afghanistan oo u baroor diiqaysa askartii Taliban laysay

Madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa ku dhawaaqay in maanta oo axada ay tahay maalin baroor diiq ah oo lagu xusayo askartii ay Taliban ku weerartay saldhigooda.

In ka badan 100 askari oo Afghanistaaniyiin ah ayaa lagu dilay  weerrar uu Ururka Taalibaan Jimcihii ku ekeeyay saldhig uu leeyahay milateriga dalkaasi, waxaa sidaasi xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga Afghanistan.

Dagaalka ayaa dhowr saacadood waxa uu ka socday magaalada Mazar-e-Sharif ee gobolka Balkh ee waqooyiga dalka.

Taalibaan ayaa salaadda Jimcaha kaddib waxa ay bartilmaameed ka dhigateen dad markaa un ka soo baxay masjid ku yaal saldhigga iyo kuwo kale oo ku sugnaa makhaayad, waxaa sidaa sheegay milateriga.

Bayaan uu soo saaray ururka Taalibaan ayuu ku sheegay inay qaadeen weerarka, iyagoo adeegsanaya dad ismiidaamiyay si ay uga gudbaan difaaca meesha yaallay.