AC Milan oo ku dhaw xal u helidda Weerarkeeda- Weeraryahannada U Kala Ciyaara PSG…..

Gool dhalinta ayaa ah dhibaatada ugu badan ee ay ka cabaneyso kooxda AC Milan, balse waxaa hadda usoo dhadhamaya xalka weerarkood, iyagoo doonaya labada weeraryahan ee ka wada ciyaara Ligue 1.

Marka la qiimeeyo toban-ka koox ee ugu sarreeya Serie A-da, kooxda ugu goolasha yar waa Milan taasi oo 37 ciyaar dhalisay 51 gool oo qura.

Tutto Sport oo xiganeysa Calciomercato ayaa sheegaysa in Paris Saint-Germain weeraryahankeeda Edinson Cavani iyo Garabka laacibka ka xamaasha ee Memphis Depay kaasoo u ciyaara Lyon ay yihiin xiddigaha ay dooneyso Roseneri inay uga baxdo dhibaatada weerar ee kooxda ku habsatay.

31-jirka u dhashay Uruguay ayaa ku jira qaab ciyaareed qurux badan isagoo dhaliyay 40 gool dhammaan tartmada, waxa uuna ciyaaray 48 kullan.

Flopp-kii hore ee Man Utd ayaa kusoo baxay mid kamid ah kuwa ugu cajiibsan ee xilligan ka xamaasha horyaalka faransiiska, waxa uuna xiddiggan reer Holland shabaqa gaaray 19 jeer, sidoo kale 17 caawin uu sameeyay 51 kullan oo uu garoonka galay xilli ciyaareedkan.

Dadka taxliilaya kubadda cagta Italy ayaa qaba haddii AC Milan ay gacanta ku dhigto labadan xiddig ay si rasmi ah uga bixi doonto dhibaatada ka heysata goolasha.