Kenya oo ka jawaabtay Eedeyn loo jeediyay Ciidankeeda ku sugan Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa beenisay in ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya  ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya ka dib markii dhawaan Qaramada Midoobey ay ku eedeeysan in ciidamada Kenya ay lacag ka qaataan dhuxushaasi.

Ganacsiga dhuxusha ayaa  ah daqliga ugu weyn ee  Soo gala Al-Shabaab.

Afhayeenka  Ciidamada KDF Col David Obonyo ayaa beeniyay Warkaasi, waxaana uu sheegay Warbixinta ay baahiyeen Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Elataria ku qaabilsan Qaramada Midoobe in aysan waxba ka jirin, waxaana uu sheegay in ciidamada Kenya ay Soomaaliya ay u jooggaan in ay ka qeyb qaataan dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ay dib u soo celiyeen Warbixintii ay soo saareen Kooxdaasi sanadkii 2012-kii.

Obonyo ayaa xusay in KDF la geeyay  Meel 150 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya.

“KDF  mas’uul kama ahaa maamulka howlaha dekedda Kismaayo  Waxay hoos yimaadaan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jumbaland “ayuu yiri Obonyo.

Qaramada Midoobay ayaa mamnuucday ganacsiga dhuxusha Soomaaliya bishii Febraayo 2012-kii si ay u diidaan dakhliga Al-Shabaab.

Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan cunaqabateynta Saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegtay in ciidanka dowladda Kenya in ay wali dhaqaalo badan ay ka abuuraan dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.

Kooxda lagu magacaabo Monitoring Group ayaa warbixinta  ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ciidanka dowladda Kenya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay dhuxul aad u farabadan ay ogalaadeen in laga dhoofiyo gudaha Soomaaliya sida ay u qaataan laaluush aad u badan.

 

.