Ammaanka degaanada maamulka Somaliland ayaa si weyn loo adkeeyay xilli Maanta lagu waddo in lagu dhawaaqo Natiijadda doorashadda Madaxtinimadda Somaliland.
Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa la dhigay ciidamo badan oo dheeraad ah.
Taliska ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan rabashado in ay dhacaan markii lagu dhawaaqo Natiijadda.
Xisbiga wadani ayaa guud ahaan qaadacay Natiijadda doorashadda, waxaana ay sheegeen in uu dhacay Musuqmusuq.



