DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay ee Mooshinka Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii dhawaan shaaciyay in ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in ay ku adkeysan doonaan Mooshinkaasi tan iyo inta uu xilka ka degaayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Cali Xasan Cusmaan oo Madax u ah Xildhibaanada Mooshinka wadda ayaa u sheegay idaacadda Risaala in Madaxweyne Shariif uu ku fashilmay howlaha maamulka sidaasi darted ay doonayaan isbadel ballaaran.

U jeedka ay Mooshinka u keeneen ayuu sheegay in ay tahay in Koonfur Galbeed ay uu ka dhaco Isbadel maamul.

Illaa iyo 50 mudane oo ka tirsan xildhibaanada baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaas, Shariif Xassan Sheekh Aaden.