Qarax weyn oo laga maqlay Garoonka Magaalada Riyadh

Qarax weyn ayaa lala beegsaday meel u dhow Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Sacuudi Carabiya ay hakad gelisay gantaal ballaaran oo ka yimid Yemen.

Ciidamadda difaaca ee Sacuudiga ayaa laga soo xigtay in ay ka hortageen Gantaal lala damacsanaa Garoonka Riyaad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gantaal uu ku dhacay Meelo u dhow Garoonka Magaalada.