Kooxo hubeysan ayaa qof Shacab ah waxa ay ku toogteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Geeseey ibraahim, waxaana uu ka mid ahaa dadka degaanka.
Dilka ayaa waxaa geystay niman dhalinyaro ah oo bastoolado watay.
Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya.
Degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto dadka Shacabka ah.


