Farmaajo oo shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga

Muqdisho-RisaalaFM– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga.

Kulanka ayaa waxaa goob ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo saraakiisha Ciidamada ammaanka.

Kulankan ayaa wuxuu yahay kulankii labaad oo ay yeeshaan Xubnaha Golaha amniga Qaranka.

Qodobadii laga soo saaray shirkan ayaa waxaaa ka mid ahaa in si wadajir ah loola dagaalamo Ururka Al-shabaab, Xoreynta dalka iyo isku dhafka ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soonaaliya C.raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay shirka guud ee amniga oo ay ka soo qeyb gali doonaan xubnaha Beesha Caalamka inuu dhici doono bisha December ee sanadkan.

Al-shabaab ayaa kordhiyay Weerarada iyo Qaraxyada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho, waxaana Dowladda looga fadhiyaa in ay la timaado istiraatiijiyad amni darada wax looga qabanayo.