Muqdisho-RisaalaFM- Odayaashii dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo saareen war-murtiyeed ka koobnaa 9 qodob, oo ay kaga hadleen xaalada dalka.
Waxgaradkan ayaa marka hore waxa ay tacsi u direen Ehelada shacabkii ku geeryooday Qaraxii Zoobe 14-kii bishan, waxayna caafimaad deg deg ah u rajeeyeen dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi.
Odayaashan ayaa sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen casuumaadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu u fadiyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, oo labada dhinac uu hada Muqdisho uga socdo shir.
Labada Gole ee Baarlamaanka ayay ugu baaqeen in ay meel iska dhigaan kala duwanaanshaha afkaarta siyaasadeed ee wax u dhimi kara qorshayaasha xasilinta amniga dalka.
Xoghayaha Dalad ay ku mideysan yihiin Odayaashan Ugaas Maxamed Bashiir ayaa sheegay ujeedada ay soo saareen war-murtiyeedka in uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen jiheynta dalka iyo sidii loo gaari lahaa hormaro kala duwan.
Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka gaabiyeen nabadeynta iyo wacyigelinta bulshada, kadib markii siyaabo kala duwan loo dilay 19 ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada, sida uu sheegay Ugaas Maxamed.



