DHAGEYSO: Xildhibaan Colow oo ka hadlay weerarkii Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa faah faahin ka bixiyay weerar shalay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku qaaday laba mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, oo sababtay in mid ka mid ah uu dhaawac soo gaaray.

Wuxuu sheegay xildhibaan Colow baaritaan la sameeyay Askariga weerarka geystay in uu ka tirsan yahay Millitariga Soomaaliya, degmada Balcadna laga soo masaafuriyay, kadib markii uu harsiga u diiday shacabka ku nool degmadaasi.

Sidooo kale xildhibaanka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Askarigan uu qalqal geliyay ammaanka magaalada jowhar, balse la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si go’aan ay uga gaarto.

Maxamed Yuusuf Colow wuxuu kaloo sheegay falkan in uu ahaa mid lagu doonayay in lagu laayo xildhibaanada Hirshabeelle, balse ay ka war sugi doonaan baaritaanada ugu dambeeya oo lagu ogaanayo cida soo dirsatay iyo in isaga uu ka dambeeyay.

Dhacdadan, ayaa waxaa si aad ah looga hadalhaya Magaalada Jowhar, maadaama aanay dadku uga baran Ciidamada Dowladda inay beegsadaan Mudane-yaasha Baarlamaanka Hirshabeelle.