Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho ku joogga dalka Masar ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxda Masar.
Mas’uuliyiinta uu xalay la kulmay waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Masar Cali Abdel Aal.
Sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka labada Mas’uul waxa ay ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya labada Baarlamaan.
Gudoomiye Jawaari ayaa Khamiistii gaaray Magaalada Qaahira, waxaana uu la kulmay Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Cabdi qaasim Salaad Xasan oo mar Madaxweyne kasoo noqday Soomaaliya.



