Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Mudug

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saakay ka dhacay degaano ku yaalla Bariga gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Maleeshiyo kasoo kala jeedda maamulada Puntland iyo Galmudug ,inkastoo markii dambe ay ku biireen ciidamo ka kala tirsan labada maamul.

Inta la xaqiijiyay 10 qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 15 qof oo kale.

Isbitaalada Ku yaalla Gaalkacyo ayaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyaddaasi.

Degaanada Saakay lagu dagaallamay ayaa wali laga maqlaya dhawaqa rasaasta.

Waxgarada maamulada puntland iyo Galmudug ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo colaada kasoo cusboonaatay gobolka Mudug.