Faahfaahin dagaal ka dhacay Duleedka Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, kadib markii ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo ciidan Ajaanib ah lagu weeraray duleedka Kismaayo.

Xoogag ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay ciidamadan inay weerar jidgal ah u dhigeen ciidamadan oo dhaq dhaqaaq ciidan ka waday duleedka degaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada hoose.

Ciidamadan la weeraray ayaa la sheegay inay la socdeen Saraakiil Cadaan  Mareykan, kuwaasi oo sahanka ciidanka ay ku guda jireen qayb ka ahaa, waxaana sahminta ciidan ay ka socotay duleedka Buulo Gaduud.

Dagaal muddo kooban ka dhacay duleedka Buulo gaduud, ayaa ugu dambeyn wuxuu sababay inay dib ugu soo laabtaan degaankaasi ciidamadii Amisom iyo kuwii Ajanibta ahaa oo ay la socdaan ciidamada Jubbaland.