Faahfaahin khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

Mid ka mid ah Taksiileyaasha Magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay ka dib markii Qarax loogu xiray Gaarigiisa Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4,waxaana uu ku qarxay ka soo horjeedda Hotelka Jazeera ee Muqdisho.

Sidoo kale qofkale oo gaariga Saarnaa ayaa la xaqiijiyay in uu soo gaaray dhaawac.

Dadka degaanka qaarkood ayaa Risaala u sheegay in ninka la qarxiyay lagu magacaabi jiray Mahad Cabdi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan ka wadda Agagaarka goobtii uu ku qarxay Gaarigaasi uu watay Taksiilaha.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay Qaraxyo.

Qaraxii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar Jimcihii lasoo dhaafay.