Allaha u naxariistee waxaa xalay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Cali Cilmi.
Gudoomiyaha iyo walaalkii oo lagu magacaabi jiray Injineer Xasan, ayaa waxaa lagu wada dilay xaafadda Carafaat, xilli ay eheladoodu ku booqanayeen.
Wararka, ayaa sheegaya in labadaasi nin ay dileen rag la socday gaari, kuwaa oo sida la sheegay ku daba jiray, isla-markaana ay u muuqdeen kuwo dhaq dhaqaaqyadooda la socday.
Ragga dilka gaystay oo aan heybtoodu la garanayn, ayaa waxaa dilka ka dib la xaqiijiyay inay goobtaasi ka baxsadeen, waxaana goor dambe gaaray hay’adaha ammaanka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka sameeyay Xaafadda Carafaad, mana jirto ilaa iyo hadda cid ay shaaciyeen in ay usoo qabteen dilkii Gudoomiyihii Galgaduud.



