DHAGEYSO: Galmudug oo baaq u dirtay DF iyo Beesha Caalamka

Cadaado-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa ka hadlay xaaladaha Abaareed iyo mida nololeed ee ka jira degaanada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay Madaxweyne ku xigeenka degaanada Galmudug in uusan ka da’in Roob, taasina ay sababtay dad badan oo reer Galmudug ah in ay u barakaceen degaano kale, kana talaabeen xuduudaha.

Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka, iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsaday in ay gar gaar la soo gaaraan dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool degaanada Galmudug.

Madaxweyne Carabey ayaa soo hadal qaada arrimaha colaadaha, shacabka reer Galmudug ayuu uga digay in ay ka waantoobaan dagaalada mararka qaar ka dhaca degaanadaasi.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay muhiim in ay tahay in laga wad shaqeeyo sidii xal looga gaari lahaa lacago faalso ah oo uu sheegay in ay ka dhiidhiyeen Ganacsatada Galmudug.