Ceel-berde-RisaalaFM- Degaano dhowr ah oo hoostaga degmada Ceel-berde ee gobolka Bakool ayaa dadkii ku noolaa waxa ay u barakaceen degmadaasi Ceel-berde.
Dadka soo barakacay ayaa waxaa saameysay Abaarta ka jirta dalka gaar ahaan degaanada Koonfur Galbeed.
C/risaaq Cumar oo ah Guddooomiyaha degmada Ceel-berde ayaa sheegay dadka soo gaaray Ceel-berde in ay yihiin kuwo waayay cuno iyo biyo ku filan.
Warbixinta warkan waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bakool inooga soo diray Wariyaha Risaala ee degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).


