Muqdisho-RisaalaFM- Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tagay Bangiga dhexe ee Xamar ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay bixisay Mushaaraadka shaqaalaha iyo Ciidamada Dowladda 5-tii bilood ee ugu dambeysay.
Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre uu Bangiga ku bixiyay Mushaaraadka shaqaalaha iyo Ciidamada.
Waxa uu sheegay Dowladda Federaalka in ay masuuliyad ka saaran tahay xaqa ay leeyihiin shaqaalaha Dowladda, si ay u dar dar geliyaan hormarka dalka.
Shaqaalaha dalka iyo Ciidamada xooga dalka ayaa aad uga caban jiray mushaar la’aan ku dhici jirtay bilooyin badan, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu horey u shaaciyay in xukuumadiisa ay bixin doonto mushaaraadka shaqaalaha Dowladda.



