DHAGEYSO: Wasiir Juxa oo Gaalkacyo kula kulmaya masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug

Gaalkacyo-RisaalaFM- Cabdi Faarax Saciid (Juxa), Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Gaalkacyo.

Juxa ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo waxa uu kulamo kula qaadan doonaa masuuliyiinta Galmudug iyo Puntland iyo Odadayaasha Dhaqanka ee labadda dhinac, si horey loogu dhaqaajiyo heshiis ay labada maamul kala saxiixdeen maalintii Talaadada.

Wasiir Juxa oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay muhiim u tahay in xal nabadeed oo wadajir ah laga gaaro xasiloonida Xarunta Gobolka Mudug, lagana gudbo xurgufta ku soo noq noqotay ee u dhaxeysa labada maamul.

Warbixinta warkan waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug inooga soo diray Wakiil wareedka Radio Risaala ee magaaladaasi Maxamed Muxudiin (Saxansaxo).