Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul uga hadlay Weerarkii dhawaan Al-Shabaab ay ku qaadeen degaanka Af Urur ee gobolka Bari.
Gudoomiyaha Midowga Afrika Mussa Faki oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay laba jibaaraan Weerarada ay ku qaadayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Puntland.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki wuxuu yiri “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidan ee ku yaal Af-urur, Puntland, waxaana u sheegaynaa Umadda Soomaaliyeed in Midowga Afrika ay garab taagan yihiin.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in AMISOM ay sii waddi doonto dagaalka ay kula jirto tan iyo inta laga cirib tiraayo.
Al-Shabaab ayaa dhawaan Weerar xooggan ku qaaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af-Urur.



