Taliyeyaasha Ciidamada oo soo saaray Amaro cusub

Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ka hadleen qodobo dhowr ah oo ku aadan Xasilinta Caasimadda.

Kulanka taliyeyaasha ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Taliyeyaasha xalay kulanka yeeshay waxaa ay kala ahaayeen Taliyaha Ciidamada Milatariga Jen, Cirfiid, taliyaha Ciidamada Nabad Suggida Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo taliyaha Ciidamada Booliska Saacid.

Mar ay Saxaafadda si wadajir ah ula hadleen waxa ay sheegeen in aysan aqbali doonin in Askar aan aheyn Xasilinta Caasimadda ay hub ka dhex wataan Muqdisho.

Amarada kasoo baxay taliyeyaasha.

1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa tallaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xiraya.

2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 July ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.