5 caruur ah oo maanta ka qeyb qaatay Tartanka Jiilu Risaala “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya weli waxaa ka socda Tartanka loogu magac daray Jiilu Risaala, kaasi oo sanad walba Idaacadda ay qabato.

Tartanka Jiilu Risaala ayaa ujeedadiisa waxa ay tahay caruurta yar yar ee Soomaaliyeed sidii loogu dhiiragelin lahaa in ay bartaan Qur’aanka Kariimka.

Shirkadda Ibnu Qayim Al-jowzi oo sameysa Dawooyinka dhirta ayaa Abaalmarin ay ku farxaan siineysa caruurta kaalmaha hore ka gala Tartanka Jiilu Risaala.

Barnaamijka Tartanka Jiilu Risaala ayaa inta uu socdo waxaa su’aalo lagu weydiiyaa caruurta dhageysanaysa Barnaamijka, hadii su’aalahaas ay ka jawaabaana waxaa abaalmarineysa shirkadda Waafi.

Caruurtan oo Da’dooda ay ka hooseyso 6 sano jir ayaa waxaa lagu tartan siiyaa Halka Juz ee ugu hooseeya Qur’aanka Kariimka, waxaana Barnaamijkan uu Risaala si toos ah kaga baxaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.

 

DSC_1150 DSC_1158 DSC_1160 DSC_1163 DSC_1167