DHAGEYSO: DF oo ka hadashay Dhalinyarada ku dhibaateysan Libya

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay wax ka qabaneyso Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Yemen iyo Dhalinyarada ku xiran Libya.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa dhaweysay dhaqan gelinta heshiiskii ay la galeen Hindiya, kaasi oo ahaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran dib loogu soo celiyo dalkoodii hooyo.

Maalmahan baraha bulshada waxaa la soo dhigayay Muuqaalo laga soo duubay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib doon ah, kuwaasi oo la jirdilayo, si ay u bixiyaan lacago shuruud looga dhigay in ay bixiyaan, balse aysan awoodin.

Waiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay wado qorshe wax loogu qabanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka Yemen, Libya iyo Hindiya.