Maamulka kooxda Arsenal oo digniin kama dambeys ah u soo jeejiyey Arsene Wenger

Maamulka kooxda Arsenal ayaa digniin kama dambeys ah siiyey tababarahooda Arsene Wenger, waxayna ku amreen inuu joojiyo dabeecaddiisa la xiriirta saxiixyada soo daaha ee uu ka sameeyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Maamulka kooxda Arsenal ayaa u sheegay tababare Arsene Wenger inay ka doonayaan inuu si dhaqsi ah usoo afjaro saxiixa xiddig kasta oo uu doonayo inuu soo xerogeliyo xagaagaan.

Shalay oo Talaado aheyd, Gunners waxay sameysay saxiixeedii ugu horreysay ee xagaagaan iyadoo gacanta kusoo dhigtay daaficii hore ee kooxda Schalke Sead Kolasinac waxaana xusid mudan inuu ninka reer Bosnia beeca xorta ah kula soo biiray Arsenal.

Haatan madaxa fullinta kooxda Arsenal Ivan Gazidis ayaa wuxuu si weyn ula shaqeynayaa tababare Wenger, labadaan nin ayaana doonaya inay xilli hore soo gabagabeeyaan saxiixyada xiddigaha ay ka doonayaan suuqa kala iibsiga si ay kooxdu isugu diyaariso xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018.

Tababare Wenger ayaa wuxuu qarash gareyn karaa 150 milyan oo ginni, liiska xiddigaha uu doonayo waxaa ugu horreeya weeraryahanka kooxda Lyon Alexandre Lacazette, baxsadka kooxda Leicester City garabka uga ciyaara Riyad Mahrez iyo xiddiga qadka dhexe ee kooxda AS Monaco Thomas Lemar.

Gunners ayaa sidoo kale dooneysa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Malaga Pablo Fornals si ay ugu bedesho Santi Cazorla oo dhaawacyo ay hareeyeen, halka bartilmaameedka ugu sarreeya ee tababare Wenger uu yahay 18 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Monaco Kylian Mbappe oo lagu qiimeeyo 130 milyan oo ginni.